Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Golaha Ammaanka QM

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Lyall Grant

Magaalada Nairobi ayaa waxaa hadda ka socda shir u dhexeeya Golaha Ammaanka ee QM iyo hoggaamiyeyaasha siyaasadda ee Somalia si loo kala warqaato, isla markaana xal loogu raadiyo mugdiga soo galay mustaqbalka Hey'adaha Qaranka ee ku meel gaarka ah.

Waxaa la filayaa in arrimaha lagu soo qaadi doono kulankaasi ay ka mid noqon doonto muddada dowladda KMG ee ku eg bisha August iyo waxa laga yeelayo marka ay muddadaasi dhamaato.

Madaxweynaha dowladda KMG ee Somalia Sheikh Shariif Sheikh Ahmed ayaa doonaya in muddada dowlada sannad lagu kordhiyo halka Guddoomiyaha Baarlamanka Shariif Xasan Sheikh Aadan uu ku adkeysanayo inay dooraso dhacdo, arintaasi oo khilaaf ka dhex dhalisey labada hoggaamiye.

Kulanka maanta waxaa kaloo ka qeybgala wafdi ka socda maamulada ka jira Somalia oo ay ku jirto Somaliland, walow madaxda Somaliland ay ku adkeysteen in ka qeybgalkooda uu shirkan uu yahay mid ay Golaha Ammaanka kala hadlayaan qaddiyadooda gooni isu taagga.

Weriyaha BBC Daa'uud Aweis, ayaa sidoo kale wuxuu ka waramayaa diyaargarowgii kulanka iyo ka soo qaybgalayaasha dhinaca Soomaalida.

Waxay isugu jiraa xubno kala duwan oo ka socda dowladda ku meelgaarka ah, maamul goboleedyada Puntland iyo Galmudud iyo sidoo kale Somaliland.