Dagaalka caasimadda Sanca ee Yemen

Lahaanshaha sawirka AP

In ka badan labaatan qof ayaa lagu dilay caasimadda dalka Yemen ee Sanca, iyadoo uu sii xoogaysanayo dagaalka ka dhexeeya ciidamada dowladda iyo qabaa'ilka ugu xoogga badan qabaailka dalka Yemen.

In ka badan sideetan qof ayaa hadda dhintay tan iyo markii rabshaduhu bilowdeen maalinta Isniinta, maalin kadib markii madaxwayne Cali Cabdalla Saalah uu mar kale diiday in uu saxiixo heshiis dhigayay in uu xilka ka dego.

Madaxwaynaha ayaa hadda amray in la soo xiro hogaamiyaha qabiilka, Saadiq al Axmar iyo walaalihiis.

Horay ayaa Maraykanku u amray in diblomaasiyiinta iyo muwaadiniinta gaarka ah ee Maryakanka ay dalka isaga baxaan.