Sepp Blatter oo baaritaan lagu sameynayo

Image caption Madaxweynaha Fifa Sepp Blatter

Hey'adda maamusha kubadda cagta ee dunida FIFA ayaa furtay baaritaan dhinaca anshaxa ah oo ka dhan Madaxweynaha, Sepp Blatter taasi oo qeyb ka ah baaritaan balaaran oo la xiriira eedeymo ku saabsan laaluush.

FIFA ayaa u yeertay Mr Blatter inuu hor yimaado guddiga anshaxa ee heyadda maalinta Axadda, markii uu cabasho ka sameeyay xubin kale oo ka tirsan guddiga.

FIFA ayaa toddobaadkan horaantiisii furtay baaritaan lagu sameynayo ninka kula tartamaya madaxtinimada Madaxweynaha Mohamed Bin Hammam.

Mr Blatter ayaa sheegay in aanu wax hadal ah bixin karin ilaa dhageysiga maalinta Axadda.

Tifaftiraha BBC ee arrimaha cayaaraha ayaa sheegaya inay u muuqato in FIFA ay dhexdooda dagaallamayaan.