Caawa iyo ciyaarta kama dambaysta ah

ManU manager sir Alex Ferguson Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Tababaraha Manchester United Ferguson

Caawa waxaa dhacaysa ciyaarta kubadda cagta ee kama dambaysta ah ee koobka horyaalka Yurub. Waxaa wada ciyaaraya kooxaha Barcelona iyo Manchester United, waxayna ka dhacaysaa garoonka Wembley ee magaaldan London.

Tababaraha Manchester United, Sir Alex Ferguson, waxaa uu leeyahay waxaa dhici karta inaan ka yaabsanno Barcelona inakastoo uu ammaanay tababaraha dhallinta yar ee Barcelona, Guardiola, oo uu sheegay inuu wax badan ku soo kordhiyay qaabka kooxdu u dheesho.

Ciyaartu waxay bilaabanaysaa sagaalka iyo 45 daqiiqo waqtiga Afrikada bari, si toos ah ayaana looga siideynayaa Laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da ilaa ciyaartu ka ka dhmmaanayso.

Waxaad ka dhegaysan kartaan mowjadaha BBC-da iyo sidoo kale mowjadaha raadiyeyaasha shabeelle, Star iyo SBC.