Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Sharikad garoonka Muqdisho

Image caption Askar dowladda kumeelgaarka

Dowlada kumeelgaarka ee Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah hawlihii gegida dayuuradaha ee magaalada Muqdisho ugu wareejisay shirkadda SKA, iyadoo ay jiraan buuq iyo diidmo ka imaanaya shirkadaha dayuuradaha ee Soomaalida iyo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka oo diiddan hannaanka shirkaddaan oo ay sheegeen in aan baarlamaanka la marin. Hadaba, waxaannu arrintaas ka wareysannay wasiirka gaadiidka cirka iyo dhulka, Mahamed Abdi-Raxmaan Mahamed, 'Cabaade' oo isagu goob joog ka ahaa xaflad ka dhacday Gegida Dayuuradaha ee Muqdisho oo ay shirkadda SKA hawsha kula wareegtay.