Al Shabaab oo sheegteen inay AMISOM laayeen

Somalia al Shabaab
Image caption dagaalyahannada al Shabaab

Weerarku waxaa uu ka dhacay hotel Maka al Mukarama oo fariisin u ah ciidan ka tirsan AMISOM iyo kuwa dowladda kumeelgaarka. wararku waxay sheegeen in ugu yaraan afar nin oo hubeysan ay weerarka fuliyeen kuwaas oo ay ku jireen qaar xiran suumanka isqarxinta loo adeegsado, waxayna sheegteen inay gudaha u galeen hotel-ka, ayna laayeen askar badan oo ka tirsan kuwa AMISOM.

Ragga weerarka soo qaaday waxay xirnaayeen lebbiska nabad ilaaiyeyaasha, mana ahan markii ugu horreysay ee xeeladdaas la adeegsado.

Ciidanka AMISOM waxay sheegeen in hal askari kaga dhintay weerarka lagu soo qaaday hase ahaatee wararka qaar ayaa sheegaya in ilaa saddex askari halkaas ku dhimatay.

Ciidanka Midowga Afrika waxay markii dambe hubka culus u qaybiyeen deegaanno ka tirsan magaalada Muqdisho laakiin lama oga khasaaraha dhabta ah ee duqeyntaasi ka dhashay.