Qiimaha raashinka oo laba laabmi doona

Hey'adda gargaarka, Oxfam, ayaa sheegtay in qiimaha raashinka adduunku uu laba laabmi doono labaatanka sano ee soo socda.

Waxay ugu wacan ayay tiri diirrimaadka dunida iyo maalgelin la'aanta beeraha iyo xoolaha.

Warbixin ay soo saartay ayay Oxfam ku sheegtay in tirada dadka adduunka ku nool la filayo, in ay saddex dalool kor u kacdo oo ay gaarto sagaal bilyan sannadka 2050.

Haddii miraha beeraha laga soo saaro ay sida hadda socota hoos u sii dhacaan, waxaa laga yaabaa in ay dadka ku filnaan waayaan.

Warbixintu waxay Hoggaamiyayaasha Adduunka ugu baaqeysaa in lacag ku bixiyaan Sanduuq Caalami ah oo wax looga qabto isbeddelka cimilada adduunka.

Warbixintu waxaa kale oo ay ku baaqday in isbeddel weyn lagu wameeyo cunto soo saarka oo awoodda loo kala qeybiyo sharikadaha waaweyn, beeraleyda yar yar iyo macaamisha.