Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

FIFA maxay u qabatay Soomaaliya iyo Afrika?

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda cagta ee Soomaaliya, Saciid Maxamuud Nuur (Mukaambe)

Madaxweynaha FIFA -- Sepp Blatter -- ayaa mar kale dib loo doortay afar sano oo hor leh kadib markii xubnaha hey'adda maamusha kubadda cagta ee adduunka ay diideen in doorashada dib loo dhigo.

Dhinaca Soomaaliya waxaa shirkaasi joogay oo dadkii ka qeybgalay doorashada Fifa ka mid ahaa Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta ee Soomaaliya, Saciid Maxamuud Nuur (Saciid Mukaambe).

Guddoomiyaha waxa uu sheegay in Sepp Blatter uu wax badan u qabtay qaaradda Afrika iyo Soomaaliyaba intii uu xilka hayay.

Haddaba isaga oo jooga xaruunta Fifa ee Zurich ee dalka Switzerland ayaa Saciid Mukaambe waxa uu telefonka ugu warramay Farxaan Maxamed Jimcaale.