Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Warbixinta Shirka

Madaxweynaha Uganda, Yuweri Museveni, ayaa ku baaqay in Hay'adaha Dowladda Soomaaliya loo kordhiyo muddo sannad ku kooban.

Madaxweynaha oo la hadlayay ergooyinka ka qeyb galay shirka International Contact Group oo Soomaaliya ka hadlayay, ayaa waxaa uu ku tilmaamay in Soomaaliya aanay hadda u baahnayn doorasho ay qabtaan baarlamaan aan iyaga la soo dooran, ee ay u baahan yihiin nabad.