Dagaalka Yemen oo sii kordhay

Qiiq ka baaya magaalada Sanca Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Qiiq ka baaya magaalada Sanca

Dagaalka Yemen ee u dhaxeeya askarta Madaxweyne Cali Cabdalla Saalax iyo beelaha ayaa ka sii daraya magaalo madaxda Sanca.

Kumanyaal dagalyahaniin beelo oo hubaysan ayaa lagu soo waramayaa inay isku dayayaan inay ka soo galaan waqooyiga sanca qaarna ay soo galeen.

Duulimaadyada diyaaradaha ee Sanca ayaa hakad galay, lakiin agaasimaha garoonka diyaaradda ayaa sheegay inay si caadi ah u socdaan.

Tobanaan qof ayaa dhintay Sanca dad badana waa ay ku dhaaawacmeen magaalada tan iyo intii uu burburtay xabad joojintii laba bari ka hor, dad badana way ka qaxeen magaalada.

Dagaalka u dhaxeeya dadka mudaaharaadaya iyo askarta ayaa lagu soo waramayaa inay ka socdaan magaalada Taciz.