Shariif Xassan oo ka digay in la baajiyo doorashada

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Shariif Xasan Shiikh Adan, ayaa ku tilmaamay in Soomaaliya ay fowdo ka dhici doonto haddii la qaban waayo doorasho marka xilliga xukuumaddani uu dhammaado.

Guddoomiye Shariif oo la hadlayay shirka caalamiga ah ee ICG ee Kampala, wuxuu ku tilmaamay sida keliya ee Soomaalidu isu aammini karto ay tahay in qof walba marka uu dhammaado xilliga loo doortay uu u soo istaago doorasho.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Shirka oo galay maalintii labaad, ahna maalintii ugu dambeysay, waxaa warbixintan nooga soo diray weriyaha BBC ee shirka, Maxamuud Cali.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa sidoo kale difaacay sababta baarlamaankuna doorasho ama dib u xulid looga samayn la'yahay.

Wuxuu sheegay in fowdo uu dalku gali karo hadii laga baaqsado doorashada, oo la jabiyo sharciga.