Madaxtooyada Yemen oo la duqeeyay

Lahaanshaha sawirka AFP

Dhismaha madaxwaynaha ee caasimadda Yemen, ayaa ugu yaraan laba madfac ay ku dhaceen.

Afhayeenka rasmiga ah ayaa u sheegay BBC in ay ku dhaceen masjid ku yaalla madaxtooyada, ugu yaraanna ay sadex qof ku dhaawacmeen.

Waxaa soo baxaya in madaxwayne Saalax uu ka mid yahay dadka dhaawacmay balse saraakiisha ayaa sheegay in wax dhaawac ah uusan gaarin uuna goor dhow la hadli doono dadwaynaha.

Lahaanshaha sawirka BBC World Service

Dagaal xoog leh ayaa ka socda Yemen oo u dhaxeeya ciidamada madaxwayne Saleh iyo maleeshiyada hubaysan ee qabaa'ilka.

Horay, ayaa qaraxyo xoog leh looga maqlayay dhinaca koonfureed ee magaalada Sanca markii ugu horaysay tan iyo markii dagaalku uu qarxay todobaadkii la soo dhaafay.

Waxay u muuqataa in lala eeganayay dhismaha mid ka mid ah hogaamiyayaasha qabiilka ee la dagaalamaya madaxwayne Saalax.

Inkastoo dagaalku uu socdo hadana wali dibadbaxyada ka dhanka ah dowladda ma joogta, iyadoo salaadda jimce kadib ay dadku isku soo baxeen.