Dagaallo ka soo cusboonaaday Hiiraan

Somali militia
Image caption Maliishooyin Soomaali ah

Dagaallo ayaa maalintii labaad ka dhacay degaanno hoos yimaada gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya. sida la soo werinayo waxaa dagaalka ku dhintay ku dhowaad 10 qof, tiro dhan 15 qofna waa ku dhaawacmeen.

Dagaalladu labo aag ay ka kala dhacayaan. mid waxaa uu u dhexeeyaa Al Shabaab iyo Ahlu-sunna wal Jamaaca. midka 2aadna waxaa isaga soo horjeeda Al Shabaab iyo maleeshooyin gacan saar la leh dowladda kumeelgaarka ah.