go'aanno ka soo baxay dowladda Somalia

Somali PM
Image caption Ra'iisal wasaare Maxamed Cabdullaahi

Shir ay golaha dowladda kumeelgaarka maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho, uuna guddoominayay ra'iisal wasaare, Maxamed Cabdullaahi Maxamed, ayaa waxaa uu uga warramay wada hadalladii dhowaan lagu qabtay magaalada Kampala, dilkii wasiirkii arrimaha gudaha iyo ammniga qaranka, Cabdishakuur Sheekh Xasan, iyo muddaharaadyadii maalmahan ka dhacayay meelo ka mid ah dalka gudihiisa iyo dibaddaba, kuwaas oo lagu taageerayay ra'iisal wasaaraha iyo xukuumaddiisa.

Kaddibna goluhu waxay ka doodeen qodobbada heshiiskii Kampala, waxana go'aamiyeen arrimahan:

In heshiiska Kampala u baahan yahay in la horgeeyo baarlamaanka, lana waafajiyo axdiga kumeelgaarka ah iyo shuruucda dalka. Iscasilaadda ra'iisal wasaaraha iyo xukuumaddiisa iyo hirgelinta qodobbada kale ee heshiiska Kampala waxay ku dhaqan geli karaan oggolaanshaha baarlamaanka Soomaaliya. Golaha wasiirraduna waxay diyaar u yihiin inay aqbalaan go'aanka baarlamaanka.

Golaha wasiirradu waxay weli u arkaan in danta dalka iyo dadka ay ku jirto in muddo sanad ah dib loo dhigo doorashada madaxda qaranka, si ay hawlaha qabyada ah loo dhammaystiro. Waxay kaloo muujiyeen inay diyaar u yihiin in ay si buuxda ula shaqeeyaan hay'adaha dastuurig ah ee dalka.