Suuriya oo sheegtay in 120 askari dhimatay

Syria army Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Ciidammada ammaanka ee Suuriya

Maamulayaasha dalka Suuriya waxay ku warramayaan in tirada dhimashada ciidammada ammaanka lagu dilay iskudhacyo dhexmaray dad dowladda ku kacsan ee magaalada la yiraa Jisr al Shughour ee woqooyi galbeed dalkaas ay haatan marayso 120 askari.

Mas'uuliyiintu waxay sheegeen in boqollaal rag ah oo hubaysan ay ka qayb galeen iska hor imaadka oo ay kula wareegeen qaybo magaalada ka mid ah, ayna weear gaadmo ah ku qaadeen ciidanka ammaanka oo ku sii jeeday meesha rabshadu ka dhacday.

Wax hadal ah oo dagaalladaas ku sabsan kama soo bixin dhinaca dadka muddaharaadyada wada.