Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Soomaali lagu dilay dalka Mozambique

Image caption Ciidan ilaalinaya ammaanka caasimadda Maputo

Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday dowladda Mozambique inay joojiso tallaabooyinka ay dalkeeda kaga eryeyso dadka magangelyo-doonka ah ee ka soo jeeda dalalka Soomaaliya iyo Ethiopia.

Mozambique ayaa todoobaadkan waxay dib ugu celisey dalka Tanzania 59 Soomaali ah iyo 34 Ethiopian ah.

Qaramada Midoobay waxay kaloo cambaareysay fal la sheegey in lagu dilay afar ruux oo qaxooti Soomaali ah.

Dadkan magangelyodoonka ah ayaa intooda badan sii mara dalka Mozambique iyagoo ku sii jeeda waddanka Koonfuur Afrika.

Weriyaha BBC Daud Aweis ayaa warbixintan ka soo direy magaalada Nairobi.