Dagaallo ka socda koonfurta Yemen

Madaxweyne Cali Cabdalla Salax Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Madaxweyne Cali Cabdalla Salax

Waxaa jira dagaallo kale oo ka socda koonfurta Yemen maalmo ka dib markii Madaxweyne Cali Cabdalla Saalax uu wadanka ka tagay si uu iskugu daaweeyo Sacuudi Carabiya.

Ugu yaraan shan iyo toban qof ayaa la dilay dagaal culus oo ka socda Magaalada Zinjibar oo u dhaxeeeya dowladda iyo dad ay dowladda ugu yeertay inay yihiin Alqacida.

Ciidanka ayaa sheegay in saddex guuto loo soo ditray magaalada si ay ula wareegaan.

Mucaaradka ayaa sheegay in dowladda ay badisay ka hadalka qatarta Alqacida, si ay isaga sii jeediso cadaadiska uu caalamka ku haayo madaxweyne Cali Cabdalla Saalax inuu xukunka ka dago.

Shir Jaraa'id oo ay Washington ku qabatay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Hilary Clinton ayaa sheegtay in hadii uu Madaxweyne Cali Cabdalla Salax uu xukunka ka dago ay faa'iido u tahay dadka reer Yeman.