Cunto yari ka jirta Geeska Afrika

Soomaali deeq la siinayo Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Soomaali deeq la siinayo

Hayadda ilaalisa cunto helida adduunka (fewsnet) ayaa ka digtay in loo baahan deeq cunto oo deg deg ah dhamaan dalalka geeska Afrika.

Hayadda ayaa sheegtay in roob yari iyo qiimaha qamadiga oo kordhay dalalka Somaaliya, kenya iyo Itoobiya ay sababtay dhibaatooyin cunto yari oo aad u xun.

Hayadda ayaa saadaalisay in hadii aan gargaar caalamka kordhin inay ka sii darayso cunto yaraanta sanadka inta ka hartay.

Barnaamishka cuntada adduunka ee WFP ayaa qiyaasaysa in in ka badan siddeed milyan oo qof ay u baahan yihiin caawinaad Geeska Afrika.