Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha oo heshiiyay

Guddoomiyaha Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Madaxweynaha Shariif Shiikh Axmed iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka, Shariif Xasan waxa u dhexeeyay khilaaf in muddo ah

Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya ayaa heshiis ku gaaray magaalada Kampala ee waddanka Uganda oo lagu dhexdhexaadinayay maalmihii ugu danbeeyay.

Qoddobada heshiiska ayaa waxa ka mid ah in Raiisul Wasaaraha dowladda KMG ah ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Maxamed, uu isku casilo muddo soddon maalmood gudahood ah.

Waxaa kale oo ay ku heshiiyeen Madaxweynaha iyo guddoomiyaha in Madaxweynuhu soo magacaabo Raiisul Wasaare cusub.

Waxaa kale oo ka mid ah qoddobada lagu heshiiyay in doorashada Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha iyo ku xigeenadiisa dib loo dhigo muddo sanad ah.

Waxaa doorashada ay dhacaysaa 20 August 2012.