Wasiirkii ammaanka Soomaaliya oo dhintay

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Wasiirka Cabdishakuur oo maanta inta aan la qarxin ka hor dad la hadlayay

Wasiirka arrimaha gudaha ee dowladda KMG ah ee Soomaaliya, Cabdishakuur Shiikh Xasan, ayaa u dhintay dhaawac ka soo gaaray weerar is qarxin ah oo lala beegsaday.

Wasiirru dowlaha madaxtooyada, Khaliif Cabdulqaadir Macallin Nuur, ayaa BBC u xaqiijiyay geerida wasiirka.

Wasiirku waxa uu sheegay in weerarka qaraxa oo ka dhacay guriga wasiirka uu qaaday qof dumar ah.