Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Heshiiska Hogaamiyayaasha Dowladda Soomaaliya

Lahaanshaha sawirka other
Image caption Banaanbax lagu taageerayo Ra'iisalwasaare Maxamed Cabdullaahi

Heshiis ayay gaareen hogaamiyayaasha dowladda kumeelgaarka ee Soomaaliya,adib dhowr bilood oo ay istaagtay inay dowladda shaqo qabato qilaaf dhexdooda dartiis.

Madaxweyne Sharif Shiiq Axmed iyo Afhayeenka Baarlamaanka Shariif Xassan Shiiq Aden, ayaa ku heshiiyay inay halsano ku daraan waqtiga dowladda iyo baarlamaanka oo ahaa inuu dhamaado bisha August.

Waxaa kaloo lagu heshiiyay in Raiisalwasaaraha uu is casilo bil gudaheed, sida uu BBC u sheegay Wasiirka Warfaafinta, Cabdikariim Jaamac.

kumanyaal qof ayaa mudaaharaad ku sameeyay magaalada Muqdisho, iyagoo ka soo horjeeda inuu is casilo Raiisalwasaaruha. Dadkaasi waxay ku dhawaaqayeen erayo ka soo horjeeda Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka, sida uu ku soo warramay weriyaha BBC ee Muqdisho Maxamed Maxamuud dhoore.