Aaska wasiirkii arrimaha gudaha

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Wasiirka Cabdishakuur oo maanta inta aan la qarxin ka hor dad la hadlayay

Wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka ee dowladda KMG ah ee Soomaaliya, Cabdishakuur Sheekh Xasan, oo u dhintay dhaawac ka soo gaaray weerar is-qarxin ah oo lala beegsaday, ayaa maanta lagu aasayqabuuraha Sheekh Suufi ee magaalada Muqdisho.

Aaska wasiirka oo u dhacay qaab heer qaran ah waxaa ka qayb galay madaxweynaha dowladda kumeelgaarka, Shariif Sheekh Axmed, ra'iisal wasaaraha, Maxamed Cabdullaahi iyo xubno badan oo ka tirsan golaha wasiirrada, baarlamaanka iyo qaraabo iyo asaxaab kale oo fara badan.

Weerarka qaraxa wasiirku ku dhintay oo ka dhacay gurigiisa waxaa fulisay qof dumar ah.

Xarakada al-Shabaab ayaa sheegatay inay ka dambeeyeen dilka wasiirka.