Shirkii tallaalka caruurta adduunka ee London

child vaccination Lahaanshaha sawirka PA
Image caption Tallaalka Caruurta

Shirweynihii magaladan London lagu soo gabagabeeyey isniinta oo ay ka qayb galeen dawladaha iyo ururada caalamiga ah ee samafalka aya lacag dhan 4.3 Billio dollar loogu deeqay barnaamijka tallaalka ee xanuunada oof-wareenka iyo shubanka halist ah ee caruurta oo ay sanad walba u dhintaan kumanaan caruur ah.waxaana sida qaban qaabiyyaasha shirku sheegayaan,haddii hantidii lagu deeqay sidii loogu tala galay iyo qorshaha loo dejiyey loo fuliyo ay badbaadin doonto ilaa 4 million oo caruur ah wixii loo gaaro 2015. Dawladda UK iyo maalqabeenka americanka ah ee asaasay shikadda computerada ee microsoft,Bill gates ayaa bixiyey in ka badan kala bar lacagta 3.7 billion dollar ah ee looga baahan yahay hirgalinta mashruucan tallaalka caruurta dalalka dunida 3aad ee aan awoodin khaajka tallaalka.

Inkastoo ururda samafalku ay ku dadaalaan sidii ay u caawin lahaayeen dadka dalalka saboolka ah ku nool ee caafimaadka,tacliinta iyo horumarka bulshada,haddaba waxa jira cabashooyin laga soo jeediyo sida ay wax u qorsheeyaan iyo sida loola xisaabtami karo heyadaha iyo ururada gar gaarka ee ka shqeeya dalalka soo koraya.si shakiga tas laga qabaa uu meesha uga baxa aya r/w Uk David cameron wuxuu maanta shirkii London ka sheegay in lala xisaabtamo ururda samafalka.wuxuuna yiri waa in wixii loo gaaro sanadka dambe ururada NGO loo yaqaan ee dawladda britain ay lacagta ay cadeeyaan ax ay ku bixiyaan lacagta la siiyo.

Muhimadda weyn ee Tallaalkan oof-wareenka iyo shubanka halista ah uu u leeyahay caruurta dalalka saboolka ah waxaa ka waramay laamaha qaramada midoobay ee UNIEF iyo WHO oo sheegay in haddii 90% caruurta ku nool 70 dal oo sabool ah ay helaan tallaalka oof-wareenka iyo shubanka halista ah la badbaadi karo ilaa 6 milion iyo 4 boqol kun caruur ah,isla markaana ay u baaqaneyso dalaka soo koraya malaayiin dollar oo kga baxda daaweynta ubadka cuduradaas ay u dhacaan.