al-Zawahiri oo hogaamin doona al-Qaacida

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption al-Zawahiri waxaa loo arkayay inuu yahay qofka hogaamin doona al-Qaacida kadib dilkii Osama Bin Laden

al-Qaacida ayaa u magacawday Ayman al-Zawahiri, oo muddo dheer ku xigeen u ahaa Osama Bin Laden inuu noqdo hogaamiyaha cusub ee ururka.

War lagu qoray bog internetka ah oo ay Islaamiyiintu ;eeyihiin, ayaa lagu sheegay in al-Qaacida ay sii wad doonto waxa ay ugu yeereen dagaalka jihaadka ee ay uga soo horjeedaan Mareykanka, Israel iyo xulafadooda.

Osama Bin Laden waxa lagu dilay weerar Mareykanku ay ku qaadeen bishii hore gudaha waddanka Pakistan.

Al-Zawahiri ayaa loo arkayay inuu yahay qofka la wareegi doona xilkii Osama Bin Laden.

Laakiin weriyaha BBC ee Qaahira waxa uu sheegayaa in wakhtiga ay qaadatay magacaabistiisa in lagu dhawaaqo inay caddeyn u tahay dagaalka u dhexeeya al-Qaacida dhexdooda.