Qarax bam oo xoog leh oo ka dhacay Abuja

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Qaraxa bam waxa uu ka dhacay meel u dhaw xarunta booliiska ee Abuja

Qarax bam oo xoog leh ayaa ka dhacay magaalada Abuja ee caasimadda dalka Nigeria, meel u dhaw xarunta booliiska.

Saraakiisha dowladda ayaa sheegaya in qaraxa uu sababay qof bam isku soo xiray meel baabuurta la dhigto oo ku taalla dhismaha, baabuur badan ayaa gubatay.

Hey'adda Laanqeyrta Cas ayaa sheegtay inay jiraan dad dhintay , laakiin aanay sheegi karin tirada.

Weli lama hubo in bambka ay ka danbeeyeen kooxda, Boko Haram, oo weeraradeeda ay ku qaadeyso booliiska sii kordhisay toddobaadyadii u danbeeyay.