Waqooyiga iyo Koonfurta Sudan

Lahaanshaha sawirka Reuters

Waqooyiga iyo koonfurta Sudan ayaa lagu soo waramayaa in ay isla ogolaadeen mabda' ahaan in goob military-ga ka mamnuuc ah laga sameeyo gobolka xadka Abyei ee labada dhinac ay ku muransan yihiin.

Afhayeen u hadlay midowga Africa Barney Afako ayaa sheegay in heshiiska uu dhigayo in ciidamo nabad ilaalin Ethiopian ah la geeyo aagaas.

Hase yeeshee howsha ay qabanayaan ciidamada iyo arrimo kale sida daqliga shidaalka ee gobolka waqooyi ee koonfurta Kordofan ayaa wali la isku mari la'yahay.

Madaxwaynaha Sudan Cumar al-Bashir iyo hogaamiyaha koonfurta Silva Kiir ayaa ku kulmaya magaalada Addis Ababa si ay xal ugu helaan khilaafkooda ka hor inta koonfurta Sudan aysan xornimo hanan bisha soo socota.