Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Qaxootiga Dhadhaab

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Xeryaha qaxootiga Dhadhaab

Dalka Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka ugu qaxootiga badan adduunka muddooyinkii ugu dambeeyay.

Dagaalada iyo dhbaatooyinka abaartu ay ka mid tahay ayaa inta badan keenay dhowrkii sano ee ugu dambeeyay in ay boqolaal kun oo Soomaali ah ka cararaan meelihii ay deganaayeen.

Qaar badan oo ka mid ah qaxootigu waxay galeen dalka Kenya oo ay ka dhisan yihiin ilaa sadex xeryo qaxooti, oo la isku yiraahdo xeryaha qaxootiga Dhadhaab, kuwaas oo hadda la tilmaamay in ay ku jiraan in ka badan sadex jibaar dadka ay xeryahaas si rasmi ah u qaadi kareen.

Weriyaha BBC Bashkas Jug soo dhacay ayaa booqday xeryaha oo warbixin.