Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Bandhigga buugaagta London

Image caption Siciid Jaamac

Magaaladan London waxaa xalay lagu soo gababeeyay bandhig buugaagta ay Soomaalidu qoreen, oo ku qoran luqado kala duwan, balse u badan afka Soomaaliga.

Bandhigan oo galbeedka iyo bariga London ka dhacay labadii maalmood ee ugu dambeeyay, ayaa buugaagta lagu soo bandhigay waxaa ka mid ahaa Buug cinwaankiisu yahay 'taariikhda iyo Luqadda Bulshada Soomaaliyeed', oo uu qoray Prof Cabdalla Cumar Mansuur.

Hadaba, waxaan barnaamijkan bandhigga buugaagta ka waraysta Siciid Jaamac Xuseen oo ka mid ah ururka qalinlayda iyo hal-abuurka Soomaaliyeed ee Somali Pen.

Cabdiraxmaan Koronto ayaa u faahfaahiyay barnaamijka.

Siciid ayaa ka waramaya sida ay barnaamijka u abaabuleen, ujeedka laga leeyahay. Wuxuu kaloo ka hadlayaa waxqabadka ururka Somali Pen iyo xarumo kala duwan oo uu ku leeyahay dunida oo uu sheegay in si isku mid ah looga qabto barnaamijyo kan la mid ah, iyadoo xarunta ugu wayn ee Somali pen ay tahay magaalada Djibouti ee caasimadda dalka Djibouti.

Wuxuu intaas ku daray in Somali Pen uu hoos tago ururka caalamiga ah ee International Pen, isla markaana ay hadafyada waafaqsan yihiin kuwa