Wadahahadala koonfurta iyo waqooyiga Sudan

Lahaanshaha sawirka AFP

Hogaamiyayaasha siyaasadeed ee Koonfurta Kordofan oo ka mid ah meelaha ugu daran ee khilaafka ka dhexeeya waqooyiga koonfurta Sudan, iyadoo koonfurtu isku diyaarinayso in ay xornimo qaadato bisha soo socota ayaa ku biiran wadahadalada dhexdhexaadinta ee ka socda dalka Ethiopia.

Isku dhacyadii todobaadyadii la soo dhaafay ayaa ku qasbay kumanaan dad ah in ay guryahooda ka cararaan.

Gobolka Koonfurta Kordofan waxaa ka buuxa shidaal, balse inta badan dadka deegaanka ayaa taageersayay dhinaca koonfurta intii uu socday dagaalka mudada dheer ee dalka Sudan ka socday.

Maalintii Isniinta, ayaa wadahadalada ka socda Addis Ababa oo quseeyay arrinta gobolka lagu muransan yahay ee Abyei, lagu heshiiyay in uu noqdo dhulka military-ga ka caagan.

Ciidamo ka socda Ethiopia-na loo geeyo si ay nabadda u ilaaliyaan si la isugu dayo in xaaladda halkaas loo dajiyo inta wadahadala ay socdaan go'aanka looga gaarayo mustaqbalka Abyei.