BBC World Service oo lacag hor leh la siinayo

Image caption Bush House waa guriga ay deggan tahay BBC World Service

Xafiiska Arrimaha Dibadda ee UK, ayaa ku dhawaaqay in dowladdu lacag hor leh siinayo BBC World Service, si ay uga soo kabato lacagihii laga gooyay sannadkan horraantiisa qaarkeed. Lacagta badankeed, waxaa loogu tala galay Laanta Carabiga aan lacagta hadda ku baxda aanay is dhimin.

Xafiiska Arrimaha Dibaddu wuxuu sheegay in waxyaabaha dhowaan ka dhacay Bariga Dhexe iyo Woqooyiga Afrika ay keenayaan in Laantu ay sii waddo shaqadeeda muhiimka ah ee ay gobolka u hayso.

Carabiga ka sokow, waxaa iyaguna heli doona lacag hor leh, Laanta Soomaaliga ee BBC iyo tan Hindiga.

Laakiin BBC World Service waxay sheegtay in ay weli dooneyso in ay sannad kasta kharashkeeda ka dhinto 70 milyan oo gini ilaa laga gaarayo sannadka 2014.