Hillary Clinton oo taageertay haweenka Sacuudiga

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka, Hillary Clinton

Xoghayaha arrimaha dibedda, Hillary Clinton ayaa sheegtay inay taageersan tahay ololaha haweenka Sacuudigu ay ku doonayaan inay xaq u yeeshaan kaxeynta baabuurta.

Mrs Clinton ayaa ammaantay dhiiranaanta tobanaan haween Sacuudi ah oo baabuur ku waday jidadka Sacuudiga toddobaadkii hore iyada oo ay mamnuuc tahay.

Kooxda ololahan ayaa ku booriyay Hillary Clinton iyo madaxa siyaasadda dibedda ee Midowga Yurub, Catherine Ashton, inay soo saaraan hadal ay ku taageerayaan ololahooda.

Waxa ay sheegeen inay dhiirigelisay isbeddelada ka socda dunida Carabta.