Michelle Obama oo la hadashay dadka Soweto

Image caption Michelle Obama waxa ay shalay la kulantay Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika, Nelson Mandela

Xaaska Madaxweynaha Mareykanka, Michelle Obama, oo booqasho ku mareysa Koonfur Afrika, ayaa xustay dadkii dhibaatadu ka soo gaartay nidaamkii midab takoorka ee Koonfur Afrika.

Iyada oo booqaneysay magaalada Soweto oo ahayd xaruntii halganka looga soo horjeeda maamulkii caddaanka laga tirada badan yahay ee Koonfur Afrika.

Michelle Obama waxa ay khudbad u jeedisay dumar da'doodu yar tahay, iyada oo kula hadashay kaniisadda calaamada u ahayd kacdoonkii Soweto.

Mrs Obama waxa ay sheegtay guushii laga gaaray la dagaallanka midab takoorka inay tahay inuu ku dhiiri geliyo inay ka guuleeystaan dhibaatooyinka maanta heysta.

Waxa ay sheegtay in caalamka maanta uu u arko Afrika inay tahay mid wax lala qabsan karo.

Shalay, Michelle Obama waxa ay la kulantay Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika Nelson Mandela. Waxaa sidoo kale ay booqan doontaa dalka Botswana.