Dayaarado weerar ku qaaday al-Shabaab

Image caption al-Shabaab waxa ay khatar weyn ku hayaan dowladda KMG ah ee Soomaaliya

Wararka ka imanaya Soomaaliya ayaa sheegaya in laba dayaarad ay weerar ku qaadeen saldhig kooxaha kacdoonka wada ay ku leeyihiin magaalada dhinaca koonfureed ku taal ee Kismaayo.

Inta badan bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya waxaa maamula kooxda Islaamiga ee al-Shabaab.

Afhayeen u hadlay kooxda ayaa sheegay in laba ka mid ah asxaabtiisa inay ku dhaawacmeen weerarka, isla markaana dayaaradaha soo weeraray ay ahaayeen Mareykan iyo Faransiis.

Warar kale ayaa sheegaya in ugu yaraan 15 qof lagu dilay weerarka.

Saldhiga la weeraray ayaa la sheegayaa inuu ahaa meel ay joogaan dagaalyahaniinta ajnabiga ah ee la jooga al-Shabaab.