Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Buug xildhibaan uu qoray oo la soo bandhigay

Xildhibaan Cabdi Abshir Dhoorre, ayaa shalay galinkii dambe magaalada Muqdisho ku soo bandhigay buug 53 bog ah oo ka hadlaya khilaafyada madaxwaynaha iyo guddoomiyaha baarlamaanka ku meelgaarka ah ee Soomaaliya.

Weriyaha BBC, Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa xildhibaanka waydiiyay in uu faahfaahiyay ka bixiyo waxa uu ka hadlayo ee sheegay in ay yihiin dhaqamada madaxda sare ee dalka ee uu buugga ku qoray?

Xildhibaanka ayaa sheegaya in buugga uu ku tibaaxayo dhibaatooyin hortaagan in dowladdu horumar ka samayso amniga magaalada Muqdisho.

Wuxuu kaloo ka hadlayaa in aan madaxda ciidamada iyo tusaale ahaan wasiirada fursad loo siinin ay wax ku qabtaan, oo xilka laga badalo muddo gaaban gudaheed.