Cabdiweli M. Cali, waa Raiisal Wasaaraha Cusub

Raiisal Wasaaraha Cusub, Cabdiweli Maxamed Cali Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Raiisal Wasaaraha Cusub, Cabdiweli Maxamed Cali

Xaflad lagu qabtay Madaxtooyada Soomaaliya, ayaa Madaxaweynuhu maanta ku magacaabay Cabdiweli Maxamed Cali in uu noqdo Ra'iisal Wasaaraha cusub ee Soomaaliya.

Cabdiweli wuxuu ahaa Ra'iisal Wasaare Ku Xigeen iyo Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah intii aan xilkaan loo magacaabin.

Cabdiweli, waxaa uu bartay maaddada dhaqaalaha oo uu ka dhigayay Jaamacad ku taalla Mareykanka.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Jaamacadaha uu wax ku soo bartayna waxaa ka mid ah Jaamacadda Harvard iyo Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed.

Wuxuu la soo shaqeeyay, xag la talin, maamul goboleedka Puntland iyo Hey'adda UNDP Somalia.

Intii uu hadda xilka dowladda hayay wuxuu hore u soo booqday Puntland iyo Galmudug.

Waxaa uu ballan qaaday in uu soo dhisi doono dowlad tayo leh.

Ra'iisal Wasaaraha cusub howlaha hor yaalla waxaa ka mid ah in uu xalliyo khilaafkii u dhexeeyay xukuumaddii uu isgu xubinta ka ahaa iyo Baarlamaanka.

Waxaa kale oo loogu fadhiyaa in uu wax ka qabto ammaanka Muqdisho, isla markaana uu xoojiyo dhismaha hey'adaha dowladda, ka shaqeeyo dhammaystirka iyo ansixinta Dastuurka iyo in uu wadahashaqeyn wanaagsan la yeesho maamul goboleedyada dalka.