Djibouti oo dabbaal degeysa

Calanka Djibouti
Image caption Calanka Djibouti

Maanta Djibouti waxay u dabbaal degeysaa maalintii ay xornimada qaadatay 27 june 1977.

Madaxweynaha Jamhuriyadda Djibouti, oo khudvad munaasabaddaas ku aaddan jeediyay ayaa waxaa uu ka hadlay horumarka xagga ammaanka iyo dhaqaalaha ay ka samaysay Djibouti.

Wuxuu sheegay in dib loo eegi doono waxqabadka Wasaaradaha.

Dhinaca kalena waxaa uu sheegay in dowladdiisu ay culeyska saari doonto waxbarashada iyo cilmi baarista.

Xagga gobolka wuxuu Madaxweynuhu ka hadlay xaaladda Somalia iyo Yemen oo labduba kacsan isla markaana labaduba la deris ah Djibouti.

Wuxuu ku tilmaamay in Somalia ay isugu darsameen colaad iyo abaar, laguna tilmaami karo xasuuq waxa dalkaa ka taagan.

Waxaa xusay sida Djibouti ay ugu heellan tahay sidii Soomaaliya xal loogu heli lahaa.