Dagaalka iyo abaarta oo kumanaan ay ka cararayaan

Lahaanshaha sawirka Reuters

Hay'adda qaramada midoobay ee badbaadinta caruurta Save the Children ayaa sheegtay in dagaal iyo abaar isbiirsaday oo ka jira gudaha dalka Soomaaliya ay keeneen in tiro aan horay loo arag oo Soomaali ah ay ka gudbaan xadka dalka Kenya iyagoo gaara xerada qaxootiga dalka deriska ah ee Kenya.

Hay'addan gargaarka ayaa sheegtay in maalin walba ilaa kun iyo sadex boqol oo qof ay gaaraan xerada qaxootiga, kuwaas oo ay ka mid yihiin in ka badan sideed boqol oo caruur ah.

Waxaa ay sheegtay in dadka cusub ee halkaa gaara bil walba ay laba jibaar hadda ka badan yihiin intii ay ahaayeen ilaa sanadkii la soo dhaafay.

Shaqaalaha gargaarka ayaa sheegay in caruurta ka timaada Soomaaliya ay halkaas gaaraan iyagoo daalan, nafaqa darro haysto oo aadna u fuuqbaxsan, iyadoo in ka badan kala barna aan waligood la tallaalin.