Soomaali lagu dilay Koonfur Africa

Laba nin oo Soomaali ah, ayaa xalay lagu dilay tuulada Delhar oo ku dhow magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Africa.

Labada Soomaalida ah, ayaa wararku sheegayaan in ay ahaayeen ganacsato.

Abukar Macalin Hussein Ow Ahmed iyo Da'uud Faarax, ayaa dilkooda waxaa iiga waramay Cabdikariim Mursal Faarax oo jooga magaalada Captown.

Labadan dhalinyarada Soomaalida ah, ayaa ka soo laabtay dukaan jumlo ah oo ay badeeco ka soo rarteen si ay dukaamadooda ugu iibiyaan, ayaa rag hubaysan ay wadada u galeen.

Waxaa ragga weerarada ay qaateen baabuurka iyo wixii saarnaa.

Booliiska ayaa sheegay in ay baarayaan.