UK, 750 kun ayaa shaqada ka fariistay

Train-kii markuu shaqada ka fariistay ayaa baska lagu xoomay Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Train-kii markuu shaqada ka fariistay ayaa baska lagu xoomay

Britain aya waxaa ka socda shaqo joojintii ugu weyneyd ee sannadahan soo marta.

Waxaa shaqada ka fariistay 750 kun oo shaqaalaha dowladda ah oo ka cabanaya isbeddel la doonayo in lagu sameeyo xuquuqda la qaato xilliga hawl gabka.

Tirada shaqada ka fariisatay waa shan marka loo qeybiyo meel ahaan dhammaanba shaqaalaha adeegga bulshada.

Qiyaastii 12 kun oo Iskuullada dowladda ah oo ku yaalla England iyo Wales ayaan maanta la furin ama aan si buuxda u shaqeyneyn ka dib markii ay macallimiintii ka fariisteen shaqada.

Masaafuriintana waxaa looga digay in shaqo ka fariisiga shaqaalaha socdaalku ay keeni karto in hawlaha garoommada dayaaradaha iyo dekedaha ay ku yimaadaan daah badan.

Ra'iisal Wasaaraha Britain, David Cameron, wuxuu ku tilmaami shaqo ka fariisigani inuu yahay mid mas'uuliyad darro ah.

Wuxuu ku tilmaamay dadka oo cimrigoodu dheeraaday iyo deyn dowladda lagu leeyahay in ay khasab ka dhigayaan in wax laga beddelo marka la dadku ay ka koraan shaqooyinka oo ay ka fariistaan.