Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dad macluul ugu dhimanaya Soomaaliya

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Gaajada Soomaaliya ka jirta

Maalmihii u dambeeyay waxa magaalada Muqdisho iyo daafaheeda soo gaarayay dad ka soo qaxay abaaraha iyo colaadaha ka jira gobollada dalka qaarkood, kuwaas oo ay ka muuqato dhibaato aad u weyn. Meelaha ay ka yimaadeen dadkaasi waxaa ka mid ah Ceelasha Biyaha ee nawaaxiga Muqdisho.

Dadkaasi waxay ku biireen xarumo quudin ah oo maalintii hal mar dadka raashiin bisil loogu qaybiyo, kuwa kalana waxa caawiya ururrada haweenka iyo ardayda magaalada Muqdisho oo siiya wixii ay u heli karaan.

Weriyahayaga magaalada Muqdisho, Mohamed Ibrahim Macallimuu ayaa xaaladda ay dadkaasii ku suggan yihiin waxaauu ka wareystay Caasha Shaacuur Ugaas oo ka mid ah ururka haweenka ee SWA oo la socda xaaladaha ay ku sugan yihiin dadka cusub ee Muqdisho soo gaaraya.