Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Haweeney lagu toogtay Somaliland

Image caption Calanka Somaliland

Guddoomiyihii ururka haweenka qaranka Somaliland ee gobolka Sool, Nadiifo Maxamed Col-u-joog, oo habeen hore magaalada Laascaanood ay dad hubeysani ku toogteen oo dhaawac weyni soo gaaray, si degdeg ahna loogu qaaday cisbitaalka magaalada Hargeysa ayaa maanta loo qaaday xagga magaalada Addis-Ababa si loogu soo daweeyo.

Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay maanta Isku-daygaas la doonayey in lagu dilo, Nadiifo Mahamed Col-U joog, oo horayna loogu dilay isla magaalada laascaanood ninkeedii oo ahaa taliyihii ciidamada sirdoonka somaliland ee gobolka sool.

Lataliyaha madaxweynaha Somaliland ee arrimaha gobollada bariga, Fu'aad Aadan cadde, ayaa saxaafadda la hadlay.

Weriyahayaga magaalaad Hargyesa, Axmed Saciid Cige, ayaa Fu'aad waxaa uu weydiiyey sida uu u falkaas toogashadu u dhacaya?