Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dagaal ka qarxay koofurta Mudug

Image caption Khariidadda Soomaaliya

Dad ka badan 20 qof ayaa ku dhintay dagaal labo beelood, oo ka soo kala jeeda koofurta Gaalkacyo iyo Cadaado, ku dhexmaraya degaan ka tirsan koonfurta Gobolka Mudug ee Soomaaliya.

Weriyaha BBC ee Muqdisho Maxamed Maxamuud Dhoorre ayaa la socday collaadan dib uga dhex qaraxday 2-da qolo oo dhowr jeer oo hore degaannadaas dagaallo ugu dhexmareen.