Baaq degdeg ah ee Qaramada Midoobay

UN's humanitarian affairs chief Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Madaxa hawlaha bani'aadanimada, Lady Amos

Madaxa hawlaha bani'aadanimada ee Qaramada Midoobay, Lady Amos, ayaa ku baaqday in tallaabo degdeg ah la qaado si wax looga qabto nafaqa darrada ka dhalatay abaaraha ba'an ee ka taagan geeska Afrika. Gobolkaas waxaa haysata biyo yaraantii ugu darnayd tan iyo sanadkii 1951-kii, hay'adaha gargaarkuna waxay sheegayaan in toban milyan oo qof oo ku kala nool dalalka Djibouti, Ethiopia, Kenya, Somalia iyo Uganda ay abaaruhu saameeyeen.

Lady Amos waxay sheegtay in haddii aan arrinta wax laga qaban dhowrka toddobaad ee soo socda ay noqon doonto mid sii xumaata.