Mladic oo maxkamad la soo taagay

Lahaanshaha sawirka BBC World Service

Mladic wuxuu muran la galay garsoorihii Mxakamadda. Wuxuuna diiday in uu qirto ama diido dembiyada lagu soo oogay.

Wuxuu Mladic ku adkeystay in uu xanuunsan yahay, isla markaana uu doonayo in dacwadda loo haysto ay ka daafacaan laba qareen oo midna Seerbiya ka soo jeedo midna uu Ruush yahay, oo labadaba uu magacyadooda ka sheegay Maxkamadda.

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Tirokoobka dadka dembiyada loo haysto

Garsooruhu wuxuu u sheegay in labadaa qareen la hubinayo in ay aqoonteeda leeyihiin in ay dacwaddan galaan.

Waxaa kale oo uu sheegay in Mladic laftiisu hore u diiday in waraaqihiisa caafimaad loo soo gudbiyo Maxkamadda.

Ugu dambeyntii markii ay muran noqotay oo uu dhegeysan waayay garsooraha, ayuu garsooruhu amar ku bixiyay in Maxkamadda laga saaro Mladic oo lagu celiyo halkii uu ku xabbisnaa.

Mladic, isaga oo maqan, ayuu garoosruhu wuxuu sheegay in looga tala galayo in uu sheegtay inuusan dembigaas gelin.

Waxaana dacwadda ka daafacaya qareen ay Maxkamaddu u qabatay.