Abaarta Soomaaliya

Dad ka soo barakacay abaarta Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Dad ka soo barakacay abaarta

Saraaakiisha xerada Qaxootiga ee Dhadhaab ayaa sheegaya in laga yaabo in tirada qaxootiga xeradaas ku sugan ay mar dhow gaaraan nus malyuun, iyada oo ay ugu wacan tahay qaxootiga maalin walba ka soo gelaya Soomaaliya.

Weriyaha BBC oo ku sugan xerada ayaa sheegay in carruurta da'doodu ay shan jirka ka yar tahay ay yihiin kuwa ugu nugul, iyada oo qaarkood ay dhintaan isla maalinta ay xerada soo gaaraan. Tirada ilamaha muluqa ah ee xerada ku dhinta waxaa lagu qiyaasay in ay saddex laab noqotay.

Waxay wararka qaar sheegayaan in dadkaas qaarkood ay maalmo badan soo lugeynayeen si ay xerada u soo gaaraan, ayada oo jidka lagu furtay qaarna lagu kufsaday.

Dadku waxay ka soo qaxayaan abaaro iyo colaad is barkaday, Al-Shabaab af hayeen u hadlayna waxaa laga soo werinayaa in uu maanta sheegay in Al-Shabaab ay soo dhoweyneyso cid kasta oo gacan siineysa dadka abaartu ku habsatay.