Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Al-shabaab oo ka hadashay xayiraadda hay'adaha gargaarka

Afhayeenka al-Shabaab, ayaa sheegay in xarakaddu ay go'aansaday in ay wax ka badasho siyaabaha ay ula dhaqanto hay'adaha gargaarka.

Sheekh Cali Maxamuud Raage, ayaa sheegay in cid kasta oo Muslim ah oo doonaysa in ay caawiso dadka muslimiyiinta ah ama dadka aan muslimka ahayd ee sheeganaya in ay doonayaan in ay u gargaaraan dadka gaajaysan iyo kuwa abaartu ku dhufatay ay iyaga la soo xiriiraan.

Wuxuu afhayeenku xusay in al-Shabaab ay guddi gaar ah u xil saartay howlaha gurmadka, ayna tahay cid kasta ee goobaha ay ka taliso doonaysa in ay gargaar gaarsiiso ay guddigaas la xiriiraan.

Wuxuu kaloo sheegay in guddigaas uu caawin doono cid kasta ee aan ujeeddo kale lahayn sidii howlahooda samafalka ay u gudan lahaayeen.

Waxaase uu ka digay in cidii dhibaato dadka la damacsan ay ka hortagi doonaan.