Abaarta Soomaaliya

Hooyo iyo caruur gaajaysan Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Hooyo iyo caruur gaajaysan

Hayadda barnaamishka cuntada adduunka ee Qaramada Midoobay ee WFP, ayaa sheegtay in in ka badan boqol iyo toban kun oo qaxooti Soomali ay yimadeen xeryaha magaalada Doolow ee Itoobiya ee ku taala xaduuda Soomaaliya iyo Itoobiya.

WFP ayaa sheegtay in dadka xeryaha imaada ay yihiin kuwa ugu nasiibka badan, dad badan oo cunto la'aan ahna inay wadanka ku hareen.

Ilaa kun iyo lix boqol oo qof oo Soomaali ah ayaa xuduuda ka soo galayamaalin walba.

Afhayeenka WFP Judith Schuler ayaa sheegtay in dad badan ay saboolnimo iyo tabar la'aan aysan u imaan karin xeryaha, ayna u badan tahay inay dhintaan.