Xiritaanka Wargayska News of the World

David Cameron Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Ra'iisul wasaaraha Britain, David Cameron.

Ra'iisul wasaaraha dalka Britain, David Cameron ayaa ku dhawaaqay in baaritaan guddi guud oo xaakim maxkamadeed uu hogaaminayo loo saaro si loo baaro fadeexadda telefoon u dhicidda keentay in la xiro wargayska maalinta Axadda soo baxa ee News of the World.

Mr Cameron ayaa sheegay in iyadoo baaritaan booliis uu socdo hadana baaritaan ballaaran lagu samayn doono sida loo maamulo warbaahinta dalka.

Ra'iisul wasaaraha ayaa ku baaqay in ay is casisho tifaftirihii hore ee wargayska News of the World, Rebekah Brooks oo hadda madax ka ah shirkadda lahayd wargayska ee News International.

Mr Cameron ayaa sheegay in sidoo kale uu qaadayo mas'uuliyadda buuxda howlgalinta tifaftire horay uga shaqayn jiray wargayska Andy Coulson oo mar kale ay fadexadda wax ka waydiiyeen booliiska.