Calanka Koonfur Sudan oo la taagey

Madaxweyne Salva Kiir
Image caption Madaxweyne Salva Kiir

Koonfur Sudan waxa xalay rasmi ahaan lagaga dhawaaqay inay tahay dal madaxbanaan oo gooni u taagan, waxana la saaray calankii dalkaasi cusub.

Dawladda Sudan ayaa iyana rasmi ahaan ugu dhawaaqday inay aqoonsatay dalkani ee Koonfur Sudan ee hore uga tirsanaan jirey. Damaashaadyo iyo daabaaldegyo weyn ayaa laga oogey meel kasta, lana filayaa inay si socdaan maalmahan, waxana ka qayb gelayaa munaasabaddan wufuud caalami ah iyo madax badan oo ka kala socota dalalka Afrika iyo adduunka kale intaba. Dalka iyo Dadka

Lahaanshaha sawirka bbc
Image caption Khariidadda Koonfurta Sudan

Sudan oo ahayd dalka ugu ballaadhan qaaradda Afrika oo ku fadhiday dhul dhan ilaa 2.5 malyuun (sq km) oo KM oo dhinac walba iska le'eg, waxay haatan u kala qaybsantay laba dal. Koonfur Sudan waxay ku fadhidaa ilaa 640,000 oo KM oo dhinac walba iska le'eg, waxayna u dhigantaa qiyaastii rubuc dhulweynihii hore ee Sudan. Waxa dhex mara webiga Nile, waxayna u badan tahay dhul-biyood dhir iyo cagaar leh. Koonfur Sudan waxay xuduud la yeelanaysaa dalalka Sudan, Ethiopia, Kenya, Uganda, DR Congo, iyo Jahuuriyadda frikada Dhexe.

Tiraa dadweynaha Koonfur Sudan waxa lagu qiyaasaa inta u dhaxaysa 8 - 10 malyuun oo qof, waxayna u dhigmaysaa ilaa rubuc tiradii hore ee dadweynaha dalka Sudan oo guud ahaan isku ahaa in ka badan 40 malyuun. Dadweynaha Koonfur Sudan waxay ka kooban yihiin in ka badan 200 oo qawmiyadood amma qabaa'il, waxana u badan Dinka iyo Nuer-ka. Waxay ku hadlaan luqado kala duwan. Haatanse Af-Ingiriisiga ayaa noqnaya luqada rasmiga ah, waxanu bedelayaa tii hore ee Carabiga ahayd. Dadweyaha Koonfur Sudan waxay kala haystaan intooda badani caadoyin iyo caqiidooyin kala duwan oo dhaqan dhaqan oo dhawr ah, iyo diinta masiixiga.

Dhaqaalaha

Dadka reer Koonfur Sudan intooda badani waa reer miyi ka kooban xoola-dhaqato iyo beeraley (80%). Hasse ahaatee saliidda Sudan oo dhan ayaa la qiyaasay in 80% ay ku jirto Koonfur Sudan oo haatan dhaqaalahoodu si weyn ugu tuiirsan yahay saliiddaasi. Hasse ahaatee waxa lagu tilmaamaa haatan inuu ka mid yahay dalalka Afrika ugu liita xagga horumarka. Waxana intaasi u dheer dagaalladii sokeeye ee daba dheeraa oo keenay burbur kaabayaashii dhaqaalaha, kuna dhinteen dad ilaa 2 milyan ku dhawdhaw, iyo in badan oo kale oo barakacday, amma debadda u qaxday.

Taariikhda Siyasadeed

Image caption Omar al-bashir

Koonfur Sudan waxay sanadkan bilawgiisii u codaysay inay gooni isku taagto ka dib markii laga qaaday afti dadweyne. Arrintani waxay ka danbaysay halgan dheer oo siaasadeed iyo mid dagaal oo qawmyadeed intaba. Sudan waxa soo maamuli jirey quwado hore oo kala geddisan oo ay ku jraan maamuladdii Turkiga iyo Masar, intii aan Ingiriisku qabsan Masar iyo Sudan. Ingriiska oo ka walaacsan Faransiiska iyo inuu dhinaca koonfureed ee webiga Nile oo biyaha soo mara kala dhantaalo, ayaa waxa uu maamulkiisii ku fidiyey ilaa koonfurta Sudan, si aan Masar loogu cunaqabatayn biyaha webiga Nile. Hasse ahaatee inti u dhaxaysay 1946 - 1956, Koonfur Sudan waxay lahayd maamul gooni ah oo Ingiriisku u sameeyey. waxay ka walaacsanaayeen waqooyigu in uu fulin waayo balanqaadyadii gobannimada ee 1956 oo ahaa hab federaal ah iyo cabsi ku saabsan in lagu soo rogo xukunka shareecada islaamka, iyo Carabnnimo.

Sidaasi awgeed, waxa jirey kacdoonno iyo dagaalo sokeeye laga soo bilaabo xilliyadaasi iyo intii ka horraysayba. Dada ilaa 2 malyuun oo qf ah ayaa ku dhintay agaalladaasi, ugu danbantiina waxa lagu soo afjaray heshiiskii nabadda ee 2005. Heshiiskaasi waxa uu horseeday aftidi sanadkan horraantiisa oo 99% ay u codeeyeen in Koofurta Sudan ay noqoto dal madaxbannaan.

Welise waxa sii jira xisado ka taagan gobollada xadka ee waqooyiga iyo koonfurta oo laga cabsi qabo in colaado hor lihi ay sii abuurmaan.