Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dadka ka qaxaya abaaraha iyo colaadda

Image caption Soomaali dalka ka qaxaysa

Wafdi sare oo uu hogaaminayo Xiriiriyaha Hawlaha Gargaarka Bini-aadamnimo ee Qaramada Midoobay u qaabilsan dalka Soomaaliya, Mark Bowden, ayaa maanta socdaal ku tegey degaanka Dolow ee Soomaaliya oo ku dhow Xadka dalka Itoobiya, halkaas oo la sheegay inay ku sugan yihiin dad tiro badan oo ka soo qaxaya abaaraha ba'an iyo colaadda ka taagan Soomaaliya.

Wafdigaas waxaa la socda wariyahayaga, magaalada Nairobi, Cabdirisaaq Xaaji Catoosh, oo Axmed Cabdi Nuur uga warramay wixii ay halkaasi ku arkeen.